Madaxweyne Cosoble oo amar deg deg ah siiyay Ciidanka ammaanka ee Jowhar ku sugan

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, oo ka hadlay dilka Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa tacsi u diray Eheladii uu ka geeryooday Marxuumka.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in Marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Dowladda  iyo shacabka Hirshabeelle islamarkaana u hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ay dileen Cadow oo uu ula jeedo ururka Al-shabaab, isagoo sidoo kale sheegay si deg deg ah in gacanta loogu soo dhigi doono raggii ka dambeeyay dilka Taliyihii Ciidnka Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cosoble ayaa dhamaan laamaha amniga ee Hirshabeelle faray in ay gacan bir ah ku soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay dilka loo gaystay Alle ha u naxariistee Taliye Caraaye.

Ugu dambeyntii  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Hirshabeelle in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan Shabaab.