MAQAAL XIISO BADAN:- Afarta Cadaw Ee Caabudwaaq Nabadda U Diiday Ee Aan Qarsoonayn.!

0

Wax kasta ee dhaca ama dhacdo kasta oo timaada ee dhibaato wadata waxay leedahay sabab,markii la ogaado qodadeed iyo inta ay la, eg tahay,waxay u baahataa waxgarad maareeya oo xidida siiba si ayyan dhibaatadu u sii socon loona helo xalwaara ,waxaan la wada soconaa in Degmada Caabudwaaq sanadahaan danbbe ay joogto u noqotay dilal aan micne lahayn wax loo sababeeyana aana garan Karin marka laga reebo in la yiraahdo aana qabiil,oo aan qabo in ayyan sax ahayn,maxaa yeelay qabaa,ilku intaas waxay isku dayeyaan in ay joojiyaan falalkaas foosha xun oo dadka walaalaha ah ee wada dhashay dhexdooda ka socda,markii ay meel dabka ka damiyayaana meel kale baa qori dab leh lagu dhejinayaa.

Bal aniga arintu sida ay ii la muuqatay aan abaaro afar cadawguri oo dadka la nool oo nabadda in ay Caabudwaaq u diidaan ku hawlan baa jira,kuwaas oo kala ah;-

1-Cadawga koowaad waa Niyuu boolis (New Police) oo halka ay ka socdaan iyo ujeedadooda ay naan isu sheegayn.

2-Cadawga labaad waa Al-shabaab iyo nimanka u shaqeeya ee isku xiran gudaha iyo dibedda dalka dhaqaalahana gacanta ku haya oo qorshahoodu yahay in magaala kasta oo nabaddi ka jirto ay dumiyaan ilaa ay gaarsiiyaan in lagu kala qaxo,waana sida ay ula dhaqmeen dhammaan dalka oo dhan,ujeedaduna waa in la baahdo oo ay iyagu dhalinyarada iyo hubkooda gacanta ku dhigaan marka ay baahdaan,arintaas markii ay u suuro gasho waxay meeshaas ama magaaldaas ugu horeyn ku laayaan, Oday dhaqameedyada, Culumada ,Aqoonyahanka iyo dadka Waxgaradka ah.

3-Cadawga seddexaad waa muqaadaraad asaga waxaa soo dirsaday ibleys,shaqo badan oo aan la qiyaasi Karin oo ibtilada ugu weyn ah buu ka wadaa Caabudwaaq oo xummaan oo dhan ah,nin ka badbaadayaa ma jiro kan keena, kan kisticmaala nabadoonka madaxda u ah ,aabbaha dhalay, culumada ka deriska la ah meesha hawshaasu ka socto iyo dadka magaalada degan ,qofna ka fakan maayo ciqaabteeda adduun iyo aakhiraba.

4-Cadawga afraad waa Ak 47 qoriga la yiraahdo wiil kasta garabka ugu jiro ,xaaladiisa iskaga warami mayno oo magaciisa ayaaba ah nabaddiid,waxaa loo samaystay in cadaw layskaga difaaco,marka kalana uu bakhaar ku jiro,haddii uu banaanka u soo baxo nabad ka quuso.

Talada adaa ku nool ee ayyadu kuguma noola, Reer Caabudwaaqoow isdaba qabta inta hadda lays tusay oo is ficlaysa oo colaada loo abuuray waxa kala irdhoobay oo aan isku imaan ,oo ninba xaafad go,doon ku yahay,waa oday dhaqameedkii, culumadii, aqoonyahankii iyo waxgardkii Reer Sade ee kuwada shaahayn jiray biibitooyinka ama meelaha laga qaxweysto.

Waxaa laydin gaarsiiyey halkii ugu denbaysay ee cadawgiinu idin la rabay,ha sugina in laydin garsiiyo qax aad magaalada ku kala carartaan yey idin ku dhicin (Shalay oo tabar lahaayey talo la ma hayn, Maanta oo tala la hayyana tabar la ma hayo) Aan ku soo gabagabeeyo dadka wax galka ah ee aan sare ku sheegay ha sugina geeridiina iyo tan caruurtiina ee afarta cadaw ee aad ogtihiin aniga oo meel aad idinka fog jooga saas u arko, u bareera in aad idinku isku soo noqotaan sharuud la,aan,xataa haddii aad ku dhimanaysaan waayo ninkii Ilaahay darti islaax dadka dhexdiisa asaga oo ka wada ku dhinta Eebbe Janadiisa ayuu u balan qaaday ugana biximaayo, inta aan sare ku xusay ninkii sariirtiisa ku dhinta asaga oo daawanaaya ama ka qaybqaadanaaya,ogaada in uu cadaab Alle u Bareeray oo uusan ka baxsaneyn.

Isku soo wada duuboo Afartaa cadaw ee aad guryaha ku haysataan haw arkina wiilashiina,iyo waa reer hebel waa kuwo laydiin soo diray in ay idin duleeyaan ee haysu dhiibina ee wada xalaal ah ku dhinta.

FIIRO GAAR AH: Fadlan qof kasta oo akhariya qoraalkan ha ku dadaalo in uu garsiiyo Waxgaradka Caabudwaaq qoraalkaan nabada xambaarsan Alle waa u abaalgudine.

W/Q: LiibaanGuulwade
Nairobi, Kenya