MAQAAL:- Duulaanka Qaawan ee Waahibaydu ku qaaday Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

0

Tan iyo intii ay aqristoow xooggeystay mabaadiida ku qotanta nidaamka ku dhisan siyaasadda ku dhisan ururo halgameedka xukun doonka ah ee gabaadka ka dhigta diinta Islaamka ee 5oomaaliya, waxaa muuqata oo soo if baxaya maalinba maalinta ka dambaysa fashil ku imaanaya afkaarta guracan ee qorshe ahaan aan lahayn qorshaha siyaasadda degan ee , innay si qumaati ah usoo fahmayaan guud ahaan Bulshada 5oomaaliyeed gaar ahaanna kuwa degmaysta Gobolada Dhexe ee dalka.

Kadib markuu fashilmay halkii dagaalka hubaysan ee ururkaanni ka waday Gobolada Dhexe ee 5oomaaliya, waxaa ay wax badan ka badaleen ururada Wahaabiyadu qaabkii hore ee ahaa qori caaradi, ayaga oo hindisay qorshe qaboow oo ku qotoma siyaasadda ku dhisan qaybi oo xukun ayaga oo ku hawlanaa mudooyinkii la soo dhaafay siddii loo kala dili lahaa Bulshada weynta 5oomaaliyeed ee degmaysta Gobolada Dhexe ee Dalka, ayaga oo ku soo gabanaya mashaariic horumarineed ee ka socda dhamaan deegaanadaas ayaga oo burburinaya xeerarkii sooyaalka u ahaa haybaha kala gadisan oo lahaa dhaqamo iyo xeerar makaabyo adag u ahaa Bulshada dhexdeeda iyo xiriir wanaagsanaa kaas oo ahaa sharciga iyo awooda ku kala dhex jiri jirtay Qabaa’ilada dhexdooda, kuwaas oo ay ku kala bixi jireen kalana saari jiray dhib kasta oo ka dhex dhaca tan iyo intii ay burburtay dowladdii dhexe ee 5oomaaliyeed iyo ka hor intaan 5oomaali noqon dowladda ayadu sharciyad ahaan marin jirtay mudanka uga aadanaa mashqooyinka jogtada u dhici jiray.

Arrintaan oo halis weyn ku ah wada noolaanshaha iyo nabad galyo ee shacabka Gobolada Dhexe oo runtii ah Bulsho leh dhaqan colaadeed oo taarikhi ah iyo xeer dhaqan inta badan kala xakameyn jiray.

Ayaga oo ka duulaya kadib markii ay dagaalkii hubaysnaa uga guul daraysteen ururka Ahlusunna oo inta badan gacanta ku haya Gobolada Dhexe, in laga hor keeno Qabaa’ilada ururka Ahlusunna ayey dagaalkii hubaysnaa u badasheen mid qaboow oo ku dhisan siyaasad maldahan taas oo qorshaha ugu weyni yahay in la kala dilo Qabaa’ilada si loo dhumiyo amniga deegaanadaas iyo xeerarkii hoose ee Shacuubtaas, arrintaanni waxay u suurta galisay innay meesha ka saaraan midnimadii dadka ayaga oo ka aloosay kalana dhex dhigay colaado sokeeye si loo mashquuliyo dadka oo looga dhumiyo xasiloonida si si fudud looga fushado danahooda daahsoon ee hadda loo xiray shaarka u muuqda horumarka deegaanadaas.

Aqriste ummad waliba marka ay nabad haysato waxay si fudud ku garan kartaa halka dhibku uga yimid, markase laga dhumiyo xasiloonida waxaa si fudud looga shaqeysan karaa dhexdooda, si afkaartaas looga miro dhaliyana waxaa kow la qaaday duulaan lagu kala dilayo shacabka dhexdiisa, afkaar taan oo isku xiran qurba-joogta iyo qaran-joogta waxaa dhaqaale xooggan lagu bixiyay meel marinteeda, waxayna bilaabeen innay shacabka ku dhex milmaan kana dhintaan qaar la fogeeyo iyo qaar la soo dhaweysto ayaga oo inta xigtadooda ah u tusaya innay deegaanada wax ugu fadhiya sidda fulinta mashaariic hormarineed fulintooda, siinta dhaqaale guracan qayb ay ayagu gacantooda ku sameeyeen oo ay ugu yeereen oday dhaqameedyo laga hor gaynayo kuwii soo jireenka ahaa si loo jahwareeriyo Bulshada is jecel ee leh xeerarka iyo dhaqamada adakaa oo intoodii badnayd sii gabaabsi ah kadib markii la jiirsiiyay mowjaddahaan maldahan ee leh ujeedka daahsoon.

Magaalooyinka dhibku sidda qaaska ah u sameeyay waxaa kamidda magaalada Caabudwaaq ee Juquraafi ahaan dhaca Galguduudda Sare, taas oo ay si xooggaysan si fudud uga hirgashay Dagaalka Qaawan ee Waahibaydu ku qaaday Gobolada Dhexe, magaaladaas oo ay ka dheceen dilal sokeeye iyo dagaallo dhamaan wada qorshaysnaa oo aan salka ku ahayn aanooyin qabiil iyo utumo sokeeye balse wada ahaa dagaallo dhamaan markii lagu sameeyay baarintaano qodo dheer oo quburo ehel u ahi ay sameeyeen salka ku wada haya siyaasaddaha maldahan ee laga soo safriyay meello ka baxsan Gobolada Dhexe.

Waxaa dagaaladaasi ku hoobtay dad fara badan oo dhamaan rabbi ha u raxmee wada ahaa qaybaha kala gadisan ee Bulshada Caabudwaaq ( Odayo dhaqameedyo, aqoon yahano, siyaasiyiin, dhaqaatiir, hooyooyin, ganacsato iyo dad bulshada wax ku ool u wada ahaa, kuwaas oo aannay garan karin wax dilkooda sababay iyo kuwa dilalka qorshaysan ku gumaadayi waxay ku galeen, arrintaas oo ilaa maantay ay taagan tahay shidadeedu oo ay ku adag tahay dhamaan fahan keedu ummadda 5oomaaliyeed iyo shacabka dulman ee Caabudwaaq, kuwaas oo si fudud la isugu laayay oo ay isugu laa yeen dhagar qabayaal deegaanka ku soo galay waa deegaan keennii iyo waxaan wadnaa ka qayb qaadashada horumarka deegaanka arrinkaasi oo baahida horumarineed ahayd mid taallay deegaanka.

Waxaa arrintaasi keentay innay fahmaan bulshada inteeda aqrisa dhagaraha maldahan kuwaas oo dhamaan dabka la saaray kana mid ah maantay dadka aakhiro iyo ururka Ahlusunna oo asagunna fahmay sidda fudud ee loo dhagray bulshadaas kuwaas oo ayaguna kula dagaalamay Wahaabiyada degmada Caabudwaaq iyo shacabka dhexdiisa arrintaas oo cirka ku shareerantay keentayna kala qeybsanaan ku yimid bulshadii wada nooleyd iyo in maantay uu yaraaday aamiinkii iyo wada noolaanshihii reer Caabudwaaq.

Gunaanadkii waxaa la gudboon bulshada Caabudwaaq iyo dhamaan tan Gobolada Dhexe innay ka digtoonaadaan qorshayaasha maldahan ee laga soo safriyay, kuwaas oo ay hurinayaan dhagar qabayaasha isku tusaya bulshada innay ka shaqeynayaan horumar kooda balse kula dhex jira midiyaha dhiiga leh iyo manafaca mowdka hagoogan, waxaa la gudboon innay soo ceshadaan wada noolaanshihii dhexdooda ahaa oo ay is nabad galiyaan bulshada deriska ahna nabad galiyaan kana digtoonaadaan mashaariicda ku go’da ah ee Waahibaydu wado, lana soo nooleeyo nabadii, xasiloonidii, heshiiskii iyo xiriirkii dhaqanka ee soo yaalka ahaa, lana taageero garashada fiyoow ee horumarka ku qotonta.

Mahadsanidiin,

W/Q: Ustaadka Ummadda.