MAQAAL:- Ridwaan Caddaalad Ha Hesho.

0

Waxaa soo garay dhaawac jireed jimsiyeed xis iyo maskixiyan intaba waxay soo xasuusan doonta gefka murugada leh ee loo gestay waxayse dhawraysa caddaalad falideenna. Abbaheed sida la! ii sheegay mana waala mana miyir qabo wuxuna sidaas la noqday murugada Inantiisa’ haddaba manta waxay marti u tahay inay hesho caddaalad dhab ah waxayna ka sugeysa dhammaan inta Garsoorka ku shuquleh sida Culmuada, Cuqaasha, Bileyska, dhalinyarada iyo saxaafadda: waa dhacdo ugub waana mid Ilaahay nagu eegayo sida aan ugu caddaalad samayno maanta waxaa caddaan doona qiimaha iyo sharafta Gabadha Soomaaliyeed leedahay weliba arrinta Ridwaan

Diinta Islaamku waa Diin Caddaaladeed, Magacyada (Eebe) waxaa ka mid ah Alcadl oo macneheedu yahay kii Caddaaladda badnaa” siweyn ayey diinteennu u diidday dulmiga fawaxishka gabood falka iyo xadgudbka Aadamaha)-waxaa kale oo jira wax soomaalidu u taqan (ilhaamo) taso ah haddii caddaalada laga leexdo in Ilahaamo ka dhalan karto Ilmadowga lagu xadgudbay, xaqiiqdii haddii Caddaalad loosamayn waayo dhibanaha wuxuu caddaalad kaheli doona xagga Rabi) laakiin Ilhaamada iyo cuqubadu cidlo ‘aadi mayso ee waxay kusoo noqdan halkii dulmigu ka dhacay). Waxaana ka dhalan kara arrimo lagu ciqaabo dadka halkaas dagan sida Abaaro, Colaado Faqri, iyo dulmiga oo xad dhaf noqda.

Ridwaan waaa 17, jir waa Gabadha Golodogb lagu kufsaday laguna jirdilay waa Gabar Soomaaliyeed waana Gabar Muslimada waa Gabar cirdigeedii iyo Gabarnimaddeedii lagu xadgudbay waxaana falkaas geystay Rag) Soomaaliyeed ma ahan Ajanebiga nabad ilaalinta u joga Soomaaliya mana ahan Goobtu Magafe) iyo Liibiya waa Goldogob) waa goob lagu yaqan kala dambayn iyo maamul waa Belad lagu yaqan kudhaqanka Diinteenna Suuban ee Islamka weliba sida an xog kuhelay Arrinta Ridwaan waxay kujirta gacanta wax garad kala duwan waxaana kasugeyna in caddaalad ay hesho Inanta yar ee mustaqbalkeedii gudka madow ay ku riden damiirlawayaal midabka Rag uga’eg.

(Yey Caddaalad kasugaysa Ridwaan)?

Ridwaan, Maanta waxay caddaalad iyo garsoon caadila uga bahan tahay laammaha kala gedisan ee Garsoorka Ummadda sida Culuma Awdiinka, Cuqaasha, Maxkmaddaha Dawliga iyo Saxaafadda madax bannaan, waxay caddaalad kasugaysa, xog oggaalka arrinta gacanta ku haya iyo dhammaan shaqsi kasta oo xil kasa.

(Culummada)

Culumada Soomaaliyeed gar ahaan kuwa Puntland waa inay si aan gabasho lahayn u caddeeyan xukunka iyo ciqaabta ay mudan yihiin Dambiilayaasha Ridwaan ku xadgudbay waana inay ku dhiiradan xaqa iyo xaquuqda Gabadhas leedahay Shareecada islamka ayaa caddeysay dhammaan wixii Alle Abuuray dambiila kastana shareecadeena ayaa xad siisay lagu jaa’isaynayo wuxuu galabsaday sidaas darteed Mashaa’iiqda Puntland gar ahaan Degmada Goldogob waa ina si cad u bayamiyaan xukunka Nimanka Ridwaan ku xadgudbay sharafteedii.

(Odayaal dhaqameedka Aagga Goldogob)

Cuqaasha iyo Indheer garadka Gobolka Mudug waa inay arrinkan isku meel uga soo jeensadan dhammaantoodna ay difacan xaquuqda Gabadha dhibtu soo gartay waana in laga ilaaliyo arrinka Ridwaan Arrimaha xeer beegti iyo xeer Soomaali ee lagu soo dhaqmi jiray Qarnigii 18,naad iyo ka hor waana inay caddaalada mariyan damiir laawayaasha dambiilayaasha. Diirka iyo midbaka Ragga uga eg.

Garsoorka Dawlad Gobolleedka Puntland

Garsoorka ama Maxkamaddaha Dawlad Gobolleedka Puntland Laammaha garsoorka Puntland waa inay si xaqiiqa dhab ah geesinimo leh u qadaan dacwada Ridwaan oo leh caddeyno markhaati ma doonta waa inay xukunka saxda ee shareecadda islaku ku xukunto dhagar qabayaasha ay fuliyaan maxkmaddaha iyo Garsoorka Dawladdu.

ILaaliyaha xaquuqda Mawaadinka

Bileyska Puntland waa inuu garab iyo gaashaan siiyo dhammaan inta ku hawlan sidii sharaciga loo horkeeni lahaa shanta Nin ee Ridwaan kufsaday kuna xad gudbay mawadinad Soomaaliyeed Puntland ah Amnigeeduna waajib idinku yahay inaad ilaalisan.
Ururadda Haweenka iyo wasaaradda Haweenka Dawlad Gobolleedka Puntland iyo tan Dawladda dhexe ee federalka waa inay iska kaashadan sidii caddaalada loo horkeeni lahaa kuwa Ridwaan ku xadgudbay, ee dhagar qabayaasha.

Ugu dambayntiina Ummadda Soomaaliyeed waa inay isku meel uga soo wada jeensato dambiilayaasha Dadkeenna Gabdhaheenna iyo sharafteena ku xadgudbaya maalin kasta waa inaan manta isku mooqof ka noqono dhacdada ugubka ee ka dhacday Degmada Goldogob tasoo ah inay shan ama lix Nin Gabar Kufsi iyo Jir dil u geystan kaaga sii darane ay Fiidiyow iyo sawiro iska qaadayan iyagoo ku guda jira falka fooshax xun ee ay kula kaceen Gabadha Soomaaliyeed.

Cabdinuur Faarax Maxamuud
Abdinuur02@gmail.com ama
guuleed72@hotmail.com