MAQAAL:- Yaa ilaalin kara sharafka gabdhaha Soomaaliyeed: Ma qabiil meel calan surtay mise qaran xoog badan?

0

Inta aanan qormadeyda bilaabin aan marka hore canbaareeyo falkii fooshaxumaa ee ka dhacay deegaanka Galdogob ee gobolka Mudug, halkaasi oo kufsi aad looga naxay loogu geystay labo gabdhood oo Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaankaasi qiimaha badan. Dhacdadani, ayaa soo jiidatay dareenka dadka Soomaalida ah, gaar ahaan inta ay xanuujineyso dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed.

 
Waxaan sidoo kale iyana canbaareynayaa hadal dhawaan ka soo yeeray gudoomiyaha deg. B/xaawo, Kaasi oo sheegay in magaaladiisu ay si sharcidarro ah ugu uureysteen gabdho Soomaaliyeed oo gaarayo 155 gabdhood. Hadalkan aan loo fiirsan ee ka soo yeeray gudoomiyahaasi, Ayaa waxa uu runtii sharaf dhac ku noqday gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi caanka ku ah diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed.

 
Oraahdan ka soo yeertay masuulkan ka tirsan Dowladdan Federaalka ee ay Itoobiya taageerto, Ayaa waxaa uu cadeyn u yahay in nimankani (dadka u shaqeeya dowladda federaalka iyo maamulada raacsan) aysan dal iyo dadba ka warqabin, Islamarkaana ay shaqadoodu ku soo uruurtay wax ka sheegga Al-shabab iyo boobka hantida dadweynaha, halka dadkii ay masuulka ka ahaayeenna ay dayacmeen.

 

 

Anigu, inkastoo oo aan ka mid ahay dadka taageera waxan loogu yeero Dowladda Federaalka, Hadana waxaan qirayaa in Dowladdani ay maasi’ib badani u horseeday dalkan iyo dadkiisa, Waana sababtaasi sababta ay maanta wax u dhaqaaqi la’yihiin. Sidee u liibaanayaa qof maalin kasta carogelinaayo Rabbigiisa, Islamarkaana ka sii fogaanayo diintiisa iyo dhaqankiisii wanaagsan ? Waxaan kaloo qirayaa in Dowladdani ay dalka u gacan gelisay cadowgii soo jireenka ahaa ee la wada yaqaanay.

 

 
Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda ee aan maanta cinwaanka uga dhigay oraahda ah :Yaa ilaalin kara sharafka gabdhaha Soomaaliyeed, Ma qabiil meel calan surtay mise qaran xoog badan ? Anigu, Waxa ay ila tahay runtii Anigoo wax ku dhisaayo aqoonteyda, caqligeyga iyo waliba tajaaribta aan kasbanno inta aan nool nahay, Waxaan qabaa in gabdhaha Soomaaliyeed sharafkooda lagu ilaalin karo oo kaliya qaran Soomaaliyeed xoog badan wallow aan dib ka faahfaahin doonno.

 

 
Sidan soo sheegayba, Waxaa lagu ilaalin karaa sharafka gabdhaha Soomaaliyeed in la helo qaran Soomaaliyeed oo xoog badan, Kaasi oo abuura bay’ad ay ku noolan karto gabadha Soomaalida ah ee maanta nool, Islamarkaana ay ka heli karto wax alaale iyo waxa ay u baahan tahay. Gabadha Soomaaliyeed waxa ay u baahan tahay waa qaran xoog leh oo siiya amni ballaaran, Kaasi oo u suurtageliya in ay si caadi ah ugu noolaato deegaankeeda iyo waliba guud ahaan dalkeeda hooyo.

 

 
Gabadhani, Waxay u baahan tahay qaran xoog leh u soo saara kheyraadka ceegaaga dalkeeda, si ay u hesho noolal raaxo leh oo u daboosha baahideeda caafimaad iyo middeeda waxbarasho sida gabadha Iyada la midka ah oo kale ee ku nool dalalka hormaray sida midka aan hadda ku noolahay oo kale. Dalkani Ayaa waxa uu u abuuray gabadha halkan ku nool bay’ad ay ku noolaan karto, Islamarkaana ay ka heli karto wax alaaliyo iyo waxa ay u baahan tahay sida amni oo kale.

 

 
Walaalayaal, Gabdhaha Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihin waa dowlad leh hanaan garsoor oo madaxbanaan, Islamarkaana ku dhisan cadaalad iyo sinaan, Kaasi oo uu sharcigu qabanaayo cid kasta oo danbi gasha magacay doontaaba ha wadatee. Sharcigan oo waliba noqonayo sharcigii Alle ee ka koobnaa Al- Kitaab waa Sunna. Waa wax lala yaabo runtii in dal Muslim ah maalin kasta lala dul istaago sharciyo iyo qawaaniin laga soo waariday dalal kale oo aan waxba wadaagin.

 

 
Hadabo, Arimaha aan soo sheegay ee ay u baahan tahay gabadha Soomaalida ee maanta ku nool dhulka Jamhuuriyadda ee ka kooban 18-ka gobol, Waxa baahidaasi u dabooli kara waa qaran Soomaaliyeed oo awood leh, Islamarkaana abuuri kara bay’ad ama jawi ay ku noolaan karto inantan aan ka warameyno ee zabanka nool. Aan isweydiinne muxuu qabiil u qaban karaa gabar Soomaaliyeed ? Maxaase faa’iido ah oo ku jira calan maran oo meel laga taagay ?

 

 
Anigu, Waxaan aaminsanahay in qabiil meel calan ka surtay aanu waxba u qaban Karin gabar Soomaaliyeed oo xiligan nool, Taasina waxaa daliil u ah dhacdadii fooshaxumeyd ee ka dhacday deegaanka Galdogob, halkaasi oo uu ka jiro maamul beeleed la magac-baxay Butnland, Kaasi oo ku faanay sanadkii la soo dhaafay in uu sideed iyo taban sano jirsaday. Maamulkan daciifka ah ee hoos u sii dhacaayo, Ayaanan horumar badan sameynin marka loo eego da’da uu jiro. ee sided iyo tobanka ah.

 

 
Waxaa Buntland la mid ah maamulada kale ee Iyagana ka jira deegaanada kale ee dhulka Jamhuuriyadda sida Somaliland, Khaatumo, Galmudug, Hir-Shabeelle, Suufi-land, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo waliba deegaanada kale ee ay maamusho Xarakada Al-shabab. Dhamaan deegaanadani, Ayaanan ka jirin bay’ad abuuri karta waxa ay u baahan tahay gabar Soomaaliyeed sida waxbarasho free ah, adeeg caafimeed oo heer sare ah iyo waliba dhaqaale ay si fudud u heli karto.

 

 
Magaraneysaan sababta ay gabdhaha Soomaaaliyeed uga tahriibaan dalkooda ? Yaase ii sheegi kara waxa gabdhahani ku xanbaarayo in ay shaqo booyaasanimo ah u doontaan dalal sida Sacuudiga oo kale ah oo aad ogtihiin halka uu ka taahan yahay xuquuq insaanka iyo xuquuqda shaqaalaha?

 

 

 

War gabadhee ku noolan karto dal sida Soomaaliya oo kale ah, Kaasi oo aan nabad iyo degenaanba arag wax ka badan shan iyo labaatan sano !!
Waxaan kaloo aaminsanahay in gabadha Soomaaliyeed aysan dooneynin dowlad magac-uyaal ah sida midda hadda ka jirta Villa Soomaaliya oo kale, Taasi oo aanan bixin wax adeeg bulsho ah marka laga reebo mucaawinooyinka la soo marsiiyo. Waxaan kaloo rumaysanahay in gabadhani aysan u baahneyn jabhad, urur hubeysan iyo waliba maamul beeleed waqti-dumis ah sida kan ka jira deegaanada Waqooyi Galbeed oo kale, Kaasi oo ay waardiyo ka hayso beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.


Runtii, Ragga Soomaaliyeed oo aan Aniguba ka mid ahay waa ku ceeb iyo foolxumo in ay sidan u dhibaatoodaan dumarkoodii sharfta badnaa? Ma garaneysaan inta gabdhood oo Soomaali ah oo maanta ku xiran xabsiyo dalal kale ? Ma qiyaasi kartaa inta hablood ee darxumo u dhimatay, Iyagoo ka cararaayo nolasha adag ee ka jirta dalkeeda hooyo ? Ma weydiiseen badaha Caalamka inta gabdhood ee ay liqeen ?

 

 
Tan kale, Sow ceeb ma’ahan in aan maalinta kasta raqda korkeeda ku calaacalno, gaar ahaan marka ay wax dhacaan, ka dibna aan iska kala tagno Anagoon qorshe u dajinin waxa aan ka calaacaleyno ? Anigu, Markan u fiirsadey mujtaceena Soomaaliyeed, Waxaa runtii ii soo baxday in ay yihiin mujtamic emotional ah, Islamarkaana hadal un meesha ku hayo. Waxa kaloo ii soo baxday in inta badan dadka Soomaalida aysan waxba ka baran dhacdooyinka iyo waxa la soo maro.

 

 

 

 

Ugu danbeyn, Haddii aanan la helin qaran Soomaaliyeed oo xoog leg, Islamarkaana ilaaliya dalkan iyo dadkiisa, Iskadaa in la ilaaliyo sharaf gabdheede, Waxaa la weyn doona {laa samaxa laah} wax alaale iyo waxa gacanteenna ku jira oo ay ugu horeeyaan diinta, dhaqanka, afka iyo waliba kheyraadkan baaxadda leh ee ku jira dhulkan hodanka ah. Ma og tihiin in aysan fogeyn xiligii Ingiriis bixinaayey S/Galbeed iyo NFD ? Mase la socotaan in ay daris idinla yihiin 70,000,000 oo an bad lahay ?

 

 
Gabogabadii iyo gunaanudkii, Haddii aan marka kale isweydiino su’aashii qormadeenna ee ahayd: Yaa illaalin kara sharafka gabdhaha Soomaaliyeed, Ma qabiil meel calan surtay mise qaran xoog badan ? Jawaabtu waxaan leenahay, Waxaa ilaalin kara sharafka gabdhaha Soomaaliyeed qaran xoog badan, Kaasi oo abuura bay’ad ama jawi ay ku noolan karaan gabdhahan aan ka warameyno, Islamarkaana u soo saara kheyraadka ku jira dalkooda hooyo.

Maxamed Ibrahin (RAGOW)
Ragow1960@hotmail.com