Mareykanka oo ka hadlay Duqeymo ay ka fuliyeen J/Hoose

0

Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu ka hadashay weerar Diyaaradahooda Dagaalka ay ka fuliyeen Degaan Duleedka ka ah Magaalada Kismaayo.

Taliska Mareykanka uu ku leeyahay Qaarada Africa (AFRICOM) ayaa waxuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Duqeymo Diyaaradaha Mareykanka ay ku fuliyeen Degaanka Buulo-Gaduud oo ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

AFRCIOM ayaa waxa ay sheegtay in Duqeymahaasi diyaaradeed lagu caawinayay Howlgallo Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo halkaasi ka waday howlgallo ka dhan ah Al Shabaaab.

Mareykanka ayaanan sheegin hadii ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ay geysteen Duqeymaha ay Diyaaradahooda ka fuliyeen Duleedka Magaalada Kismaayo.

Shabaab ayaa 8-dii Bishan waxa ay la wareegeen Degaanka Buula Guduud oo qiysaastii 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose