Maxaadan ogeyn oo Saakay ka Cusub Magaalada Cadaado?..

0

Xaalada Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa Saaka degan ka dib markii Shalay ay ka dhaceen shaqaaqooyin dhexmaray ciidamada Booliska iyo Nabad suggida Galmudug.

Magaalada Cadaado oo  shalay ay ka jirtay Cabsi farabadan ayaa hadda waxaa la sheegaya in jawiga Magaalada uu kusoo laabtay Caadi, islamarkaana Odayaasha dhaqanka ay ku howlan yihiin xalinta arintaasi.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa ku eedeeyay waxii shalay ka dhacay Cadaado Madaxda maamulka Galmudug.

Odayaasha dhaqanka Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in aysan aqbali karin in uu dagaal ka dhaco Cadaado.

Shalay aheyd Markii iska horimaad ay ku dhinteen Saddex qof uu ka dhacay Magaalada Cadaado.