Mexico iyo Trump oo isku haysta cidda bixineyso qarashka derbiga

0

Madaxweynaha dalka Mexico, Enrique Pena Nieto, ayaa markale ku celiyay inaysan bixindoonin dhaqaalaha ku baxaya derbiga Trump.

Donald Trump ayaa doonayo inuu kala xiro xuduudda Mareykanka iyo Mexico.

Madaxweynaha Mexico ayaa hadalkaasi jeediyay ka dib markuu Trump sheegay in dhismaha derbiga si degdeg ah loo billaabaayo.

Wuxuuna qiray Trump in Mexico ay Mareykanka u celindoonto qarashka ku baxa dhismaha derbiga.

Donald Trump ayaa sheegay in derbigaasi uu celindoono dadka sida sharcidarada ah ku gala Mareykanka iyo dembiyada daroogada.

Madaxweyne Pena Nieto, wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay oo keli ah ka hadalka ganacsiga furan ee Waqooyiga Amerika.

Trump ayaa heshiiskaas ku tilmaamay kii ugu xumaa ee abid Mareykanka uu galay.

Mexico ayaa diiday iskudey kastoo dibadda kaga imaada oo ku saabsan maalgelin cabsi iyo caga jugleyn ku dhisan.