Musharixiinta Madaxtinimo ee ka soo jeeda Galmudug oo baaq ka soo saaray muranka Siyaasadeed

0

7 musharrax Madaxweyne oo ka soo jeeda Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay baaq ka soo saareen xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Cadaado una dhaxeysa xubnaha Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweynaha Maamulkaas.

Musharrixiinta ayaa waxaa ay marka hore ka tacsiyadeeyeen dhimashadii shalay ka dhacday Cadaado,waxaana ay laamaha amniga ee shalay dagaallamay ugu baaqeen in ay waajibkooda qaataan,kana fogaadaan siyaasadda.

Sidoo kale waxaa ay Xildhibaannada iyo Madaxweynahaba ugu baaqeen in ay ixtiraamaan Dastuurka Maamulka Galmudug uyaalla,waxaa kale oo ay baaqaas u jeediyeen Dadka Galmudug iyo Beesha Caalamka,waxaana ay si wadajir ah u codsadeen in la dejiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Cadaado.

Hoos ka Akhriso War Murtiyeedka:-