TOP+NEWS:- Madaxweynaha Galmudug oo kalsoonida ay kala laabteen xildhibaanada oo goor dhow gaaray Cadaado

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulkaas.

Guuleed ayaa tagay Cadaado iyada oo maalin ka hor Xildhibaannada Galmudug ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen,islamarkaan Guddi doorasho sameynayaan.

C/Kariin Guuleed ayaa waxaa uu xaalad deg deg ah ku rogay Mamaulkiisa kaddib markii ay Xildhibaannada sheegeen in ay xilka ka qaadeen.

Waxaa uu sidoo kale ka soo horjeestay mooshinka xilka looga qaaday ee ay Xildhibaannada Galmudug Isniintii ku sheegeen in 54 ka mid ah Xildhibaannada Galmudg wadar oggol ku ansixiyeen cod u qaadistii Guuleed.