Qarax Qasaaro Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Buurhakabo

0

Qaraxani oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ciidamada dowladda lagula eegtay fariisin ay ku leeyihiin Magaalada Buurhakabo ee gobolka Bay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, tira kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi, waxana ay tilmaameen in ay ku dileen 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda ee degmada Buurhakabo oo ku aadan qaraxa ka dhacay halkaas.