Ra'iisalwasaaraha UK Theresa May oo diiday xubinimo aan buuxin ee Midowga Yurub

0

Theresa May ayaa sheegtay in the UK “aysan ka mid ahaan karin” suuqa xorta ah ee Midowga Yurub, haddii ka mid ahaashada ay micnaheedu tahay “inaan laga bixin Midowga Yurub.”

Laakiin ra’iisalwasaaraha ayaa balan qaaday “sida ugu suurtogalka badan ” ee ganacsi looga samayn karo suuqa, markii ay ka baxdo Midowga Yurub.

Hadalkeeda oo mudo dheer la sugayay, ayay ku sheegtay in baarlamaanka uu u codayn doono heshiiska ay gaaraan Uk iyo Midowga Yurub.

Mrs May ayaa balanqaaday inay dhamayso “lacagta tirada badan ee ay UK” siiso Midowga Yurub.

Laakiin xisbiga mucaaradka ee Labour ayaa sheegay inay ku jirto “qatar wayn” qorshaha ra’iisalwasaaraha.

UK ma ogolaan doonto xubinimo “aan buuxin” marka ay ka baxdo Midowga Yurub, ayay ku sheegtay Theresa May, hadal ay maanta jeedisay oo muddo la sugayay.

Ra’iisalwasaaraha ayaa u sheegtay waddamada Yurub ee kale in UK ay doonayso inay la ganacsato “sida ugu xorta badan” laakiin aysan yeeli doonin inay qayb ka ahaato Midowga Yurub si aan buuxin ama aan dhamaystirnayn.

Hadalkeeda ayaa la filayaainuu ka mid ahaado inay Britain ka bixi karto suuqa xorta ah ee Midowga Yurub.
Guriga madaxtooyada ee Downing Street ayaa sheegay 12 qodob oo ay ku sheegtay waxa ay ka doonayso wadaxaajoodka ka bixitaanka Midowga Yurub.

Dowladda ayaa ilaa hadda aan sheegin waxa ay ka doonayso wadahadalada, iyadoo balaqaaday inay billaabayso wadahadalka ka bixitaanka Midowga Yurub dhamaadka bisha March.

Iyadoo ay joogaan meesha ay hadalka ka jeedinayso safiiro, Mrs May ayaa sheegi doonta in “UK ay tahay saaxiibka ugu fiican ee dariskeeda waddamada Yurub, balse sidoo kale ah waddan xiriir la leh caalamka intiisa kale”.

Waxay u sheegi doontaa 27-da waddan ee ku jira Midowga Yurub: “Waxaan sii wadi doonaa inaan ahaano saaxiib aad isku halaysaan oo dhow.

Waxaan doonaynaa inaan iibsano alaabadiina, inaan idinka iibino alaabteena, oo aan idinla ganacsano si xor ah, oo aan isla shaqayno si aan u hubino inaan ammankeena sugno oo aan horumar gaarno inagoo isla shaqaynayna.”