Sakariye Xuseen oo kusoo baxay Doorashada golaha Shacabka ee Muqdisho ka socota

0

Doorashada golaha Shacabka  ee xubnaha ka imaanaya gobolada Waqooyi oo Maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho laguna waday in lagu doorto 2 kursi ayaa hadda waxaa la doortay kursigii kowaad.

Kursiga kowaad ayaa waxaa ku tartamayay Sakariye Xuseen Caare iyo sidoo kale Xaamud Xasan Nagaaye.

Sakariye Xuseen Caare oo helay codad gaaraya 49 cod ayaa doorashada ku guuleystay.

Doorashada golaha Shacabka ee beelaha Banaadiriga oo ka dhacday shalay Muqdisho ayaa lagu doortay labo kursi.

Sidoo kale todobaadkaan ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo xubnaha ka dhiman doorashada xildhibaanada ka imaanaya gobolada Waqooyi ee dalka.