SAWIRRO:-Dhismaha Isbitaalka Guud ee Balanbal oo meel fiican maraya iyo Guddoomiyaha Gudigga Dhismaha Xabiibo Cali Dharaar oo ka war-bixisay

0

Waxaa magaalada Balanbal ee gobalka Galgaduud haatan si weyn uga socanaya Dhismaha Isbitaalka guud oo laga hirgelinayo magaaladaas, kaasoo ka bilowday Bishii Nofeembar ee sanadkii tagay ee 2016.

Isbitaalka guud ee Balanbal ayaa waxaa u ka koobnaan doonaa 30 qol, 12 musqulood, 4 maqaasiin iyo hool aad u weyn, kaasoo haatan uu dhismihiisu marayo meel fiican.

Dhismaha Isbitaalka Balanbal ayaa waxaa hirgilinaya oo iska kaashanaya Jaaliyadda Qurbajoogta ah ee ka soo jeedda deegaanka Balanbal iyo shacabka magaalada Balanbal, kaasoo ay ku baxayso dhaqaale lagu qiyaasay inuu gaaraya 310 oo Dollar.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaale Uriuurinta ee Isbitaalka ee guud ee Balanbal Xabiibo Cali Dharaar oo aan kula kulmay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa ayadoo iiga war-bixisay Isbitaalka, waxaa ay ii sheegtay in marka la dhameeyo dhismaha Isbitaalka loo sii baahan yahay dhaqaale hor leh oo gaaraya ugu yaraan illaa150 Kun oo Dollar.

Waxaa Xabiibo Cali Dharaar oo hadalkeeda sii wadata ay ii sheegtay in dhaqaalahaas loo baahan yahay ee ah 150 Kun oo Dollar oo aan illaa hadda gacanta lagu hayn, kaasoo noqon doono qalabaynta iyo dhamaystirka inta ka hartey hawlaha Isbitaalka Balanbal.

Waxaa ugu dambayntii Xabiibo Cali Dharaar ay ugu baaqday dhammaan Jaaliyadda ka soo jeedda deegaanka Balanbal ee dal iyo dibadba in ay si naxariis ku dheehan uga qaybqaataan dhameystirka Isbitaalka, isla markaana uu qof walba ku yabooho wixii uu ka awoodo dhaqaalahaas 150 Kun oo Dollar ah ee loo baahan yahay, si Isbitaalka loo dhameystiro oo uu qabto hawlihii caafimaad ee laga rabey.

Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo.com