DHAGEYSO:- Soomaalida Maraykanka oo si fir fircoon uga qayb qaadanaya Siyaasadda

0

Natiijada Doorashadii Maraykanka ayaa dhalisay dadaal dheeraad ah oo ay muujinayaan dadka laga tirada badan yahay ee dalka Maraykanka, oo ku addaan siday kaalin fir fircoon uga qaadan lahayeen hannaanka Dimuqraadiyadda iyo hanashada codadka dadweynaha.

Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ayaa hore ugu guulaystay inay golaha sharci dejinta ee gobolkaasi ay ka mid noqoto Ilhaan Cumar oo noqonaysa haweenaydii Muslimad ahayd ee ugu horaysay ee ku guulaysta xubinimada golaha.

Cabdiqaadir Xasan (AK) oo ka mid ah dhalinyarada Soomaali-Maraykanka ah ayaa ka mid ah murshaxiinta u tartamayasa xubinimada guddiga maamula goobaha danta-guud ee lagu nasto iyo barnaamijyada waxbarashada ee guud ahaan Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Magaalada Minneapolis waxaa lagu qabtay Munaasabad loogu tala galay taageerada Murashaxnimada C/qaadir Xasan, waxaana ka soo qeyb galay Soomaali aad u fara badan, kuwaas oo dhiira gelinayay C/qaadir.

C/qaadir Xasan (AK) oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay sababta keentay in uu isa soo sharaxo in ay tahay 6 sano ka hor oo uu qoray sharci Tramisitation ah, kaas oo ah Basaska meelaha istaagayo in loo sameeyo meel kuleel ah, maadaama qabowga uu yahay mid aad u daran, dadka Basaska sugayana aysan u dulqaadan karin qabowga.

Waxa uu sheegay dhowr jeer oo hore in uu Degmadiisa ka soo qabtay xillal hoose, taasina ay ku dhiiragelisay in uu isku soo sharaxo xubinimada guddiga maamula goobaha danta-guud ee lagu nasto.

Soomaalilada ku nool Dalka Mareykanka ayaa aad u soo dhaweeyay Musharaxnimada C/qaadir Xasan, waxaana ay sheegeen in ay guul u rajeynayaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-