DHAGEYSO:- Tirada Shacabka ay Ciidanka AMISOM dileen 4 bilood ee lasoo dhaafay oo la shaaciyay

0

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay Soomaaliya ku dileen 4 bilood ee lasoo dhaafay in ka badan 37 qof.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka xuntahay tacadiyada ciidanka AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.

Waxaa ay xustay in waxyeelada ay AMISOM u geysanayso shacabka Soomaaliyeed ay sii kordhayso ,islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto.

Sidoo kale Qaramada Midoobey sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay iyaguna dileen 55 qof.

Tirada ku baxday gacan ciidan Afartii bilood ee lasoo dhaafay ayaa Qaramada waxaa ay ku tilmaamtay 92 qof.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale taabatay  in ciidamada Soomaaliya aysan helin mushaarkii loogu tala galay in ay qaataan ,islamarkaana qaarkood muddo ka badan sanad aysan mushaar qaadan.

Hadalka kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa kusoo  beegamaya xilli ay sii kordhayso tacadiyada ciidanka AMISOM ay ka geysanayaan Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-