Toogasho lagu dilay Afar qof oo ay ku jiraan ciidan oo ka dhacday Magaalada Cancun

0

Sida ay shaaciyeen Saraakiisha Ammaanka ee dalka  Mexico ilaa iyo Afar qof ayaa ku dhimatay Toogasho ka dhacday Magaalada Cancun.

Rag hubeysan ayaa Xabado ku furay Ciidamo ilaalo ka ahaa Xafiiska xeerilaalinta magaalada, Waxaana ay ku dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo sidoo kale 3 qof oo kale.

Ciidamada Booliska ayaa toogtay Qaar ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday.

Guddoomiyaha Magaalada Cancun  Carlos Gonzalez Joaquin ayaa Warbaahinta u sheegay in sidoo kale xabsiga ay dhigeen ku dhawaad 6 qof oo lagu tuhmaayo in soo maleegeen Falkaasi.

Waxaana uu sheegay ilaa iyo hadda inaan la cadeyn karin in weerarkaasi uu ahaa mid Argagixiso iyo in kale.

Boqolaal qof ayaa ka baxsaday Maqaayado ku dhawaa goobta  toogashadu ay ka dhacday.

Magaalada Cancun ayaa ammaankeeda  si weyn loo adkeeyay madaam ay tahay meel ay ku sugan yihiin dalxiisayaal farabadan.