TOOS U DHAGEYSO:- Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Ciidamo Gaara oo Wadooyinka lagu arkayo

0

Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa si weyn u sugaya amaanka Muqdisho inta ay socdaan diyaar garowga doorashada  Madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamo booliis ah oo fara badan ayaa lagu arkaya Isgosyada Magaalada Muqdisho iyo Xarumaha Muhiimka ah ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalo joogta ah Xilliyada Habeenka ah ka sameynaya Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliiska qeybta Gobolka Banaadir Jeneraal Bishaar Abshir Geedi ayaa ka warbixiyay sida ay Ciidanka Booliiska u sugayaan amaanka Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ay ku guuleysteen in ay si amni ay ku dhacdo doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya , islamarkaana ay hadda ay u diyaar garoobayaan suggitaanka Amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO