TOOS U DHAGEYSO:- Masuul sir badan ka soo bandhigay Dagaalka Goordhow ka dhacay Cadaado

0

Iyadoo saakay dagaal uu ka qarxay magaalada Cadaado oo u dhaxeeya Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida ayaa arintaasi waxaa warbaahinta u sharxay Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo lagu magacaabo Shariif Arwaax.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Nabad Sugidda oo wata saddex Gaadiidka dagaalka ah ay weerar ku qaadeen xaruntii ay ku shirayeen Baarlamaanka Galmuudg.

Kadib waxay isku dhaceen Ciidamada Booliska oo ilaalo ka hayay xarunta,waxaana dhinacyada isku adeegsadeen hubka fudud fudud,kuwaasi oo qal qal geliyay shacabka magaalada Cadaado.

Dagaalkaas ayuu sheegay in uu salka ku hayo Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Cadaado,waxaana uu Ciidanka Nabad sugidda ku eedeeyay in ay la safteen Madaxweynaha Maamulka Galmuudg oo ay sheegeen in ay horay Xilka uga qaadeen.

Xildhibaan Shariif,ayaa sheegay in maanta aysan Xildhibaannada shir lahayn,laakiin xaruntii ay weerareen Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO