TOOS ULA SOCO:- Wadooyinka Muqdisho oo xeran, Ciidamo Gaar ah oo la arkayo iyo Sida Xaalada tahay

0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta Golaha shacabka oo ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka.

Ciidamo fara badan oo isugu jira Nabad suggid, Boolis iyo Millitari ayaa la soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay u adkeeyaan amniga.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa maalinkii Labaad, waxaana ka mid ah wadooyinka xiran Wadada Maka Al-mukarama, KM4, Taleex, wadada Buundooyinka iyo wadooyin kale.

Shalay Magaalada Muqdisho waxaa lagu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana markii Labaad ku soo baxay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxiintii uu la tartamayay.