TOP DHAGEYSO:- Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud oo Arimo Xasaasi ah ka hadlay

0

Maxamed-daahir Sheekh Cali; guddoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud waxa uu noo sheegay in uu wado qorshe uu dadka deegaanka ee ka soo jeeda gobolkaas uu kala hadlayo sida xaalku yahay iyo habka ugu suurtagalsan ee gobolka wax looga qaban karo, waxa uu ka hadlay nabadgelyada iyo iska horimaadyada ka jira gobolka, Abaaraha iyo xasilooni la’aanta siyaasadeed ee dhowaan ka dhalatay kulan ay yeesheen xubno kamid ah baarlamanka Galmudug.

Waxa uu codsaday in dadka ku nool Gobolka iyo guud ahaan Galmudug ee ay abaaruhu hayaan in la gargaaro.

Waxa uu u warramay Axmed Ciise Guutaale oo weydiiyey waxa ay magacaabiddiisu uga duwan tahay magacaabiddii guddoomiyeyaashii uga horreeyey xilkan, kuwaas oo uu ugu dambeeyey Xuseen Cali Weheliye (Cirfo)

Magacaabidda guddoomiyaha gobolka Galgaduud Maxamed-daahir Sheekh Cali ayaa timid iyada oo madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed; wajahayo deganaansho la’aan siyaasadeed oo dhanka maamulka ah.

qaar kamid ah xilbinaada Galmudug ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Guuleed, waxa ay shireen iyada oo Baarlamanku fasax ku jiro,

Guddoomiyaha ayaa noo sheegay in aqoonta uu u leeyahay deegaanka iyo guud ahaan gobolka iyo in uu yahay dhallinyaro ay wax badan ku caawin karto in uu waxqabad fiican horseedi karo.

HALKAAN KA DHAGEYSO