TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha oo la kulmay safiirada wadamada Jaamacadda Carabta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya maanta kula kulmay safiirada wadmada Jaamacadda Carabta u fadhiya Dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinacyadan waxa uu kala hadlay arrimaha ku aadan Abaaraha Dalka ka jira iyo sidii door muuqata ay uga qaadan lahaayeen u gar gaarida shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada kala duwana ay heysato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka kadib saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay isla meel dhigeen sidii loogu gurman lahaa dadka ay Abaaraha saameeyeen ee xilligan ku sugan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Jaamacadda Carabta safiiradooda u fadhiya Soomaaliya in ay balan qaadeen in ay door ka qaataan samata bixinta shacabka Abaaruhu ay heystaan.

Soomaaliya ayaa xilligan isku diyaarineysa marxalad ku aadan in Doorasho ay Dalka ka dhacdo, waxaana Muqdisho ku sugan Musharaxiin heysata dhaqaale fara badan, kuwaasi oo hankooda uu yahay in ay qabtan kursiga Madaxtinimada Soomaaliya, laakiin waxaa meesha ku jirta sidii shacabka Soomaaliyeed loogu gar gaari lahaa, maadaama dhibaatooyin fara badan ay heystaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO