TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha Ururka Ahlusunna oo Arimo Xasaasi ah ka hadlay Fariin Culus-na diray

0

Madaxweynaha Ururka Ahlusunna Sheekh Axmed Shaakir ayaa ka hadlay baarlamankii shalay ururkaasi ay ku magacowdeen Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in baarlamaankan uu yahay mid sharci ah oo loogu talay in uu u adeego bulshada kunool gobolada Dhexe.

Baarlamaankaan ayuu sheegay Madaxweynaha Ururka Ahlusunna in laga kala keenay dhammaan degaanada gobolada Dhexe.

Xildhibaanada cusub ayuu kula dardaarmay in ay u adeegaan bulshada.

Ururka Ahlusunna ayaa ka taliya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud, mana aqoonsanaa dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale bulshada Caalamka.

Baarlamaanka ay shalay magacowdeen ayaa la sheegay inta badan in ay yihiin saraakiishii ciidanka Ahlusunna.

HALKAAN KA DHAGEYSO