TOP DHAGEYSO:- Madaxweynihi hore ee Galmudug Guuleed oo Markuu Cadaado tagay Afka furtay.

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay Abaaraha ka jira Degaanadaasi.

Waxa uu sheegay guud ahaan Dalka, gaar ahaan Degaanada Galmudug in ay ka jiraan Abaaro aad u daran oo dadka, duunyada iyo degaanka intaba saameeyay.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa shacbaka Soomaaliyeed gaar ahaan dadweynaha Galmudug waxa uu ka codsaday in ay gar gaar la soo gaaraan walaalahooda dhibaateysan.

Gobolada dalka waxaa ka jira Abaaro aad u daran, kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaana Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo masuul ka ah shacabka ay ku mashquulsan yihiin Doorashooyinka dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO