TOP DHAGEYSO:- Meel ka mid ah Soomaaliya oo Laga Mamnuucay Raga iyo Dumarka in ay Gaari isla raacaan

0

Taliyaha Boliska Degmada Galdogob  ee Gobalka Mudug Cabdi Xamiid Xuseen  oo Warbaahinta Ku hadalay Degmadaasi aya waxa uu uu Digniin adag u Diray dhaliyarada Da,dooda ay ka hooseeyso 40 sano ee ku Nool Degmada Galdogob .

Ugu horeeyn Taliyaha Booliska Degmada Galdogob ayaa waxa uu ka hadalay Amaanka guud ee Degada Godogob iyo falal amniga lidi ku ah oo Habenadaan ka dhacayay Gudaha Degmadaasi .

Taliye Cabdi Xamiid Xuseen ayaa waxa uu digniin ujeediyay dhalinyarada falalka  Anshax. xumada ah ay ku kacaan   . sida dhaca Mobilada Daawashada aflaanta xun.xun ay ku wataan Mobilada iyo jarashada timaha oo ay u jaranayaan si ka baxsan Diinta iyo dhaqanka wanaasan.

Sidoo kale Taliyaha Boliska Galdogob Ayaa Waxa uu sheegay in  la mamnuucay dhalinyarada Gabdhaha iyo wiilasha Gawaarida u qaadanaya meelaha ka baxsan degmada cidii lagu arkaa ama lagu soo qabtaana Ciqaab ay muteysan doonaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO