TOP DHAGEYSO:- Puntland oo sheegtay in la Maxkamadeynayo Dhalinyaradii Kufsiga geysatay

0

Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland, ayaa sheegtay in sharciga la marsiin doono dhalinyaro gaaraysa Lix dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay kufsi ka geysteen duleedka Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda Iyo Diinta Maamulka Puntland Maxamed Cali Faarax ,oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey dhalinyarada falkaasi geysatay oo tiro ahaan ahaa lix Sharciga la marsiin doono.

Maxamed Cali Faarax Agaasimaha Wasarada Cadaalada Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay ka soo horjeesteen in Odayaal iyo Nabadoono ay galaan arintaas,waxaana uu intaas ku daray in Xukunkaasi ay qaadi doonaan Maxkamadaha Puntland sida ku qoran Dastuurka Puntland iyo Xeerka la dagaalanka kufsiga.

Waxaa uu sheegay in howshaas ay doonayeen in ay galaan Odayaal laakiin Maamulka Puntland ay diideen,islamarkaana maamulka dhameynayo arrintaas iyada oo sharciga la marsiinayo kuwa falkaas ku kacay.

Dhalinyarada lagu eedeeyay falka Kufsi ah inay geysteen ayaa hada waxa ay ku xiran yihiin Saldhiga Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO