TOP DHAGEYSO:- Sidee looga Fogaan Karaa Khilaaf soo kala dhex gala Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ?

0

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullahi,ayaa sheegay in doorashadiisa kaddib ay isaga iyo ku xigeennadiisa kala ilaalin doonaan in ay is khilaafaan labada aqal ee golaha shacabka iyo aqalka sare.

Dad badan ayaa walaac ka muujinaya xeer rasmi ah oo aan jirin kaas oo kala qeexaya awoodaha iyo shaqooyinka labada aqal.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in iyaga ay ka shaqeeyaan xeerarka aqalka sare kuwaas oo aan ka hor imaneyn dastuurka dalka Somaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in isaga iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sh.Cismaan Jawaari,ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llahi,waxaa uu intaas ku daray in aqalka sare uu yahay aqal ku cusub siyaasadda Soomaaliya islamarkaana looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan dowladnimada Soomaaliya.

inta badan waxaa horay isugu dhici jiray Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha,waxaana hadda dadka Siyaasadda dersa sheegayaan in khilaafkaas u wareegayo labada aqal.

HALKAAN KA DHAGEYSO