TOP DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Xil ka qaadistii Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed iyo Xildhibaano ka hadlay

0

Xildhibaan Faysal Axmed C/dulle oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in aysan ka laaban doonin go’aanka ay Xilka kaga qaadeen Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano si gooni gooni ah loo soo wacay balse diiday in ay ka laabtaan go’aankooda.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay doonayaan in isbadal hogaamineed lagu sameeyo Maamulka Galmudug isla markaana aysan ka laaban doonin go’aankooda iyo isbadalka ay doonayaan.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta degaanada Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qaarkood ayaa horay u shaaciyay in Xilkii ay ka qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada Galmudug qaarkood ayaa sheegaya in go’aanka Xildhibaanada uu yahay mid sharci daro ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO