TOP DHAGEYSO:- Wasiiro iyo Saraakiil Galmudug oo Guul sheegtay Goordhow iyo Shacabka Galgaduud oo Warkaan ku faraxaya

0

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug Axmed Mire Cali oo ka mid ah Wafdiga ka tirsan Galmudug ee Maanta gaaray Degaanka gadoon ee Gobolka galgadduud ayaa faah-faahin ka bixiyay Ujeedka Socdaalka iyo waxii u qabsoomay.

Axmed Mire Cali ayaa sheegay in Degaanka Gadoon ay kula kulmeen Odayaasha Degaanka iyo Dhinacyadii Dagaalamay oo hadda ay la joogaan mid kamid ah Dhinacyadii Dagaalamay.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay ku rajo weyn yihiin in ay kala qaadaan Maleeshiyada Dagaalamay islamarkaana ay hadda wadaan Xalinta Arrintaas.

Dagaalkii Shalay ka dhacay Degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan Afar Qof.

HALKAAN KA DHAGEYSO