DHAGEYSO FAAH FAAHIN:- Magaalada Caabudwaaq Oo Caawa Dagan, Baaqyo Nabaddeed Iyo Cabsi Dagaal.

0

Wararka iminka naga naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalki ka dhacay magaalada uu istaagay, waloow la maqlayo rasaas goos goos ah.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dagaalka maanta ka dhacay magaalada uu yimid kadib markii laba beelood oo walaala ah dagaalameen.

Dagaalkan ayaa waxa uu sababay dhimashada lix ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay, waxaana la sheegayaa in ay jiraan dhaawac intaas ka badan, waloow aan naloo xaqiijin inay ku jiraan dad rayid ah iyo inkale.

Waxaa soo laab laabtay dagaalada ka dhaca magaalada Caabudwaaq ee ku saleysan aanooyinka qabiilka, waxaana muuqata inaan marnaba si dhab ah loo xalin waxa ay kala tabanayaan beelaha wada dhashay ee wada daga magaalada Caabudwaaq, taas oo mar walba sababta in mar walba uu dhaco gacan ka hadal.

Dhinaca kale majiraan ilaa hadda cid ka hadashay dagaalkan ka dhacay magaalada Caabudwaaq, sidoo kalena waxaan jirin cid waan waan ka dhex wada beelahaas wada dhashay ee maanta ku diriray gudaha magaalada Caabudwaaq.

Isku soo wada duuboo waxaa laga cabsi qabaa haddii aan si deg deg ah loo kala dhexgalin labadan beelood ee wada dhashay in beri dagaal kale uu ka qarxo magaalada.

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media