TOP+AKHRISO:- Magacyada Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda, oo ay u siin lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.

Xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka waxaa u tartamaya 10 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-

1.C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

2.Mahad Cabdalla Cawad.

3.Burhaan Aadan Cumar.

4.C/laahi Xuseen Cali (Cabdalla)

5.Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

6.C/wali Maxamed Qanyare.

7.C/laahi Goodax Barre.

8.Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

9.C/wali Ibraahim Aadan(Ibbi)

10.Maryan Axmed Haaruun