Ugu yaraan 18 ruux oo dabaylo xoog badan ugu dhintay Georgia iyo Mississippi

0

Duufaan xoog badan ayaa Koonfurta dalka Maraykanka ku dishay ugu yaraan 18 ruux kuna dhaawacday tiro intaa ka badan, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdega ah.

Gafernatooraha gobolka Georgia, Nathan Deal ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogay todobo deegaan oo ay ku dhinteen 14 ruux.

Afar ruux oo dheeri ah ayaa duufaanta ugu dhimatay Mississippi Sabtidii.

 

Dabaylo kale kale oo xoog badan ayaa la filayaa in ay ku dhuftaan waqooyiga Florida iyo Koonfurta Georgia sida ay shaacisay laanta hawada ee heer qaran.

Waaxda gurmadka degdega ah ee Georgia oo ayaa war ay soo saareen ku sheegay in 14ka ruux ee dhintay ay ku kala sugnaayeen southern Cook, Brooks, Dougherty iyo Berrien.