WAR DEG DEG AH:- Bambo gacmeed lagu weeraray Taliyaha Nabad sugidda Magaalada Baydhabo

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in caawa 2 Bambo gacmeed lagu weeraray Guriga Talyaha Nabad sugidda Degmada Baydhabo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya 2 Bambo gacmeed in caawa lagu weeraray 2 Bambo gacmeed lagu weeraray Guriga Talyaha Nabad sugidda Degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Aflow.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta, waxaana ay wadaan Howlgallo lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkan.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Bambo gacmeedyadan.