WAR DEG DEG AH:- Dowladda Masar oo Ciyaaryahan Caan ah ku dartay Liiska Argagixisada

0

Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Masar iyo Kooxda Al Ahli Maxamed Abuu Tariika ayaa Dowladda Masar,waxa ay ku dartay Liiska Argagixisada .

Maxamed Abuu Tariika ayaa waxaa uu ka mid yahay Ciyaaryahanada ugu caansan dalka Masar.

Waxaa lagu eedeeyay in uu taageeray Kooxaha Argagixisada ee ka jira dalka Masar.

Maxamed Abuu Tariika ayaa sidoo kale aad u taageersanaa Xukuumadii Afgambiga lagu riday Maxamed Mursi.

Sanadkii 2008 dii ayaa waxaa uu ku guuleystay  abaalmarinta BBC-da ee Ciyaaryahanka Afrika ugu wanaagsan.