WAR DEG DEG AH:- Guddoomiyaha Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo la doortay

0

Guddoomiyaha Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay Senator Cabdi Xaashi C/laahi, ka dib markii uu ka guuleystay Musharaxii uu la tartamayay.

Cabdi Xaashi C/laahi oo la tartamayay Mustafe Maxamed Qodax,  xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland ayaa helay 43, halka Mustaf uu helay 9 cod.

Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ah Nin Siyaasi ah oo Muddo ku soo dhex jiray Siyaasada Soomaaliya, kana mid ahaa Baarlamaanadii Dalka Soo maray sanadihii dambe.

Waxaa la filaya in goor dhaw ay bilaabato doorashada Guddoomiye Ku Xigeenada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.