WAR DEG DEG AH:- Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare oo la doortay

0

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa loo doortay Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii uu la tartamayay.

Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa waxa uu helay codad gaaraya 30 cod halka Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo la tartamayay uu helay codadka 22.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare in uu guuleystay Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari).

Sidoo kale waxaa la aaday Tukashada Salaada Duhur iyo Qado, waxaana la soo laaban doonaa 02:00 duhurnimo xilligaas oo bilaaban doonta Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, oo ay ku tartamayaan ilaa 7 Musharax, kuwaas oo kala ah:-

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan.