WAR DEG DEG AH:- Jawaari Oo Ku Guuleeystay Doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoolka ay ka socoto Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka in doorashada uu ku guuleystey Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Doorashada oo soo idlaatay ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo codadka ugu badan ka helay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub.

Waxaa iminka socda Tirinta codadka doorashada laakiin maadaama Jawaari uu codad aad u tiro badan helay waxaa muuqata inuu asaga ku adkaaday.

Dhinaca kale waxaa kaalinta labaad galay xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig. Dhowaan ayaan idin soo gudbin doonaa tirada codadka rasmiga ah iyo sida loo kala helay.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media