WAR DEG DEG AH:- Suuq Kale oo Muqdisho ku yaalla oo Caawa Dab Xoogan uu ka kacay

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkeynley gaar ahaan Suuq-boocle ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow oo caawa ah uu dab ka kacay halkaasi.

Dabka aya ku sii fidaya dhamaan qeybaha kale ee suuqa maadaama xilli Habeen ah ay tahay, oo dadka ay aad u yar yihiin.

Gaadiidka dab damiska ayaa ku sii jeeda hada goobta uu dabka ka kacay, si ay uga hortagaan dabka in uu ku sii fido goobo kale.