WAR DEG DEG AH:- Wareegii koowaad ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Dhamaaday.

0

Waxaa soo gabagabowday wareegii koowaad ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyadoo doorashada ay tahay mid ay ku tartamayaan 4 musharax.

Sida ay sheegeen guddiga doorashada waxaa goobjoog ah 236 xildhibaan, waxaana haatan la bilaabayaa tirinta codadka. Doorashadan ayaa waxaa si toos ah ugu guuleysan kara musharaxii hela 139 cod iyo wixii ka badan.

Waxaa la bilaabayaa tirinta codadka doorashada iyadoo ay doorashadan ku tartamayaan musharaxiinta kala ah Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Cabdirashid Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Idiris Cabdi Dhakhtar .

Jawiga Hoolka doorashada ayaa ah mid aad u buuqd badan iyadoo laga dareemayo in ay ka dhex socoto olole dhinaca doorashada ah, waxaana sidoo kale ka jira hoolka codeynta kuleyl taasoo laga dareemayay xildhibaanada.

Doorashada ayaa waxaa gooobjoog ka ah wakiilo caalami ah iyadoo ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, waxaana magaalada Muqdisho ay maanta tahay magaalo xiran.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media