WAR DEG DEG:- Baarlamaanka Galmudug oo ka baqanaya Madaxweyne Guuleed iyo AMISOM oo ay u wacdeen

0

Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay soo gaareen Warar sheegaya in Dhibaato loo geysto Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Magaalada Cadaado.

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka Codsadeen in ay ilaaliyaan Amniga Xildhibaanada inta ay ku Shirayaan Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Cadaado.

Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa Dhawaan Mooshin Xil ka qaadis ah ka keenay Madaxweynaha Galmudug,waxaana ay sheegeen in Madaxweyne Guuleed uu ku fashilmay Hogaaminta Galmudug.

Baarlamaanka ayaa ka cabsi qaba in loo dhibaateeyo Mooshinka Xilka qaadisa ah ee ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.