WAR DEG DEG:- Haweeney Soomaali oo lala qabtay Ninkii Toogasho-wadareedka ka geystay Istanbuul.

0

Boliska Turkiga ayaa bilaabay inay su’aalo weydiiyaan Ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey weerarkii bilowgii bishan ka dhacay Dhismo lagu caweeyo oo ku yaalla magaalladda Istanbul, laguna dilay 39-qof.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Masharipov ayaa waxaa xalay lagu soo qabtay Hawlgal ka dhacay Dhismooyin qaali ah oo ku yaalla Degmadda Esenyurt oo aan ka fogeyn magaalladda Istanbuul.

Ilaa 1,000 Askari ayaa loo xil-saaray baadigoobka iyo soo qabashada Ninkaasi oo muddo 2 isbuuc dhuumaalaysi ku jiray.

Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegtay in Eedeysanaha lala qabtay lala soo qabtay wiil uu dhalay oo 4-jir ah, Nin u dhashay dalka Karakhistan (Kyrgyzstan) iyo saddex haween oo u kala dhashay dalalka Somalia, Senegal iyo Masar.