WAR DEG DEG:- Madaxweynihii Galmudug Guuleed oo Xilka laga qaaday

0

Xildhibaanada Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen Cadaado waxay u codeeyeen in ay kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha Galmudug.

54-Xildhibaan ayaa Ogolaatay, cid kama aamusin, cidna ma diidin.

Waxaa xusid mudan in madaxda Galmudug ay kulankaan baarlamaanka u arkaan mid sharci daro ah oo baarlamaanku uu ku jiro fasax.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa kulankaasi ka maqnaa.

Shirka ay kal soonida kala laabteen Xildhibaanada Madaxweynaha Galmudug Waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug.