WAR DEG DEG:- Puntland oo ku dhawaaqday Cunaqabateyn

0

Puntland ayaa joojisay gawaarida raashinka u qaada Buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, kadib markii ay soo baxeen tuhun la xiriira in gawaaridaas ay adeegayaan Al-shabaab ee ku jira buuraleyda Galgala iyo Calmadow.

Mursal Maxamuud Cabdi oo katirsan waxgaradka Calmadow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay ciidanka Puntland Isbaarooyinka ku joojinayaan gaadiidka raashinka u sida Calmadow, iyagoo dadka u sheegaya inay dowladdu si kmg ah ujoojisay in wax raashin halkaas ugudbaan.

Mursal waxaa uu sheegay tilaabadaan inay saameyn xoogan ku yeelatay kumanaan qoys reer guraa ah oo usoo hayaamay Calmadow oo kamid ah deegaamadii dhawaan roobku ka da’ay.

Wuxuu sheegaay qoysaskaan eheladooda oo ku sugan magaalada Bosaso inaanay haatan awoodin inay gurmad raashin ah u geeyaan, sababtoo ah dowladda ayaa xayiraad kusoo rogtay Calmadow.