WAR DEG DEG:- Wafdi Galmudug ka socda oo Goordhow gaaray goobihii Shalay lagu dagaalamay

0

Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug oo isugu jira Wasiirro iyo Saraakiil Ciidan ayaa Goor dhaw gaaray Degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo Shalay uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo Beelood oo dhimasho iyo Dhaawac Sababay.

Afhayeenka Maamulka Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax oo ka mid ah Wafdiga ayaa sheegay in Degaanka Gadoon ay u tageen sidii Xal looga gaari lahaa Dagaalkii Shalay ka dhacay Degaanka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa Xusay in halkaas ay ku soo dhaweeyeen Odayaasha Degaanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.