WAR DEG DEG AH:- Wareega Labaad Ee Doorashada Guddoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka oo loo gudbay

0

Waxaa Hadda soo dhamaatay Codeynta Wareega Koowaad Ee Doorashada Guddoomiye Kuxigeenka baarlamaanka Soomaaliya,waxaana loo gudbi doonaa Wareega Labaad.

Musharaxiinta kala ah C/weli Sheekh Cali Muudeey oo Wareega Koowaad helay 111 Cod, Faarax Sheekh C/qaadir oo helay 94 Cod, iyo Khadiija Maxamed Diiriye oo heshay 27 Cod ayaa la filayaa in ay u Gudbaan Wareega Labaad.

Sidoo kale Musharaxiinta kala ah Saciid xuseen Ciid oo helay 17, Khaalid Mocow oo helay 7 Cod iyo Jeylaani Nuur Iikar helay Afar Cod ayaa ka mid ahaa Musharaxiinta Tartamay.