Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Magaalada Cadaado ee Galmudug

0

Waxaa hadda degen Xaaladda Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug oo Saaka uu ka dhacay Iska horimaad u dhexeeya Ciidamo kala ah Boolis iyo Nabad Sugid.

Dagaalka Saaka ayaa la sheegay inuu Sababay Khasaare soo kala gaaray Labada Dhinac,iyadoo Warar aan weli la xaqiijin ay sheegayaan in Labo Askari ay ku dhinteen Dagaalka oo ka dhacay Xarunta Xero-Midow oo hadda ay ku shiraan Baarlamaanka Galmudug ayna ugu Magac dareen Badbaado.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidankii Nabad Sugidda ahaa ay baneeyeen Goobta oo hadda Xarunta ay joogaan Ciidanka Booliska oo horay u joogay.

Odayaasha Magaalada Cadaado ayaa la sheegay in ay wadaan Waan-waan lagu joojinayo Gacan ka hadalka,waxaana weli Magaalada laga dareemayaa Xiisad Dagaal.