Wareegga 1-aad ee codeynta Doorashada oo la soo gabo gabeeyay

0

Waxaa la soo gabo gabeeyay codeynta wareegga koowaadee doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana iminka la guda galay tirinta coddka.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore ayaa shaaca ka qaaday in uu soo gabo gaboobay wareegga koowaad ee Doorashada, iminka ay bilaabayaan Guddiga arrinta ku howlan tirinta codadka.

Guddiga Doorashada ayaa iminka bilaabay tirinta codadka Doorashada ee wareegga koowaad, waxaana tirinka kadib ay guddiga ku dhawaaqi doonaan natiijada Doorashada.

Guddiga ayaa waxa ay u yeereen Afarta musharax ee ku tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka inay soo dirsadaan wakiilada u tirin lahaa codadka.