Xal u raadinta Suuriya oo dib uga billaabanaysa Kazakhstan

0

Wadahadallo cusub oo looga golleeyhay xalinta dhibaatada Suuriya ayaa la filayaa in ay maanta ka billawdaan caasimadda dalka Kazakhstan ee Astana.

Wadahadalladan waxaa dhexdhexaadinaya Ruushka iyo Iiraan oo taageera Suuriya iyo Turkiga oo taageera jabhadaha.

Waa wadahadalladii u horeeyay tan iyo markii la joojiyay wada xaajoogkii ay garwadeenka ka ahayd Qarammada Midoobay ee Janeefa ka socday horaantii sanadkii hore.

Jabhaddo badan ayaa ergooyin u dirsaday wadahadalkan oo ka qayb qaadanaya laakiin waxaa meesha ka maqan malayshiyada isku magacwda Dawkadda Islaamka.

In kabadan 300,000 oo ruux ayaa ku dhimatay 11 milyan oo ruux ayaana ku barakacday dagaal ku dhawaad lix sano ka socday dalka Suuriya.

 

Ergayga gaarka ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Suuriya Staffan de Mistura ayaa ka qaybgalaya wadohadallada, Maraykankana waxaa uga qaybgalaya danjirahooda dalka Kazakhstan.

Dhexdhexaadiyaha Ruushka Alexander Lavrentyev, ayaa Axaddii sheegay in aysan caddayn in qolyaha dagaalamaya ay toos u wada hadli doonaan oo ay is hor fariisan doonaan iyo in dhexdhexaadiyeyaashu ay ukala dabqaadi doonaan.

Qolyaha soo abaabulay rajo wayn kama aysan muujinin in heshiis laga gaaro wadohadallada, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kazakhstan wuxuu sheegay in uu rajaynayo in wadahadallada la soo afjaro Talaadada.