Xasan Gaaruun Diiriye Oo Si Kulul Uga Hadlay Arrimaha Guurka Ee Degmadda Baled Xaawo.

0

Mudane Xasan Garuun Diiriye oo ka mid ah Qurbo Joogta ka soo jeeda gobolka Gedo ee ku nool Wadanka Jarmalka ayaa shir Jaraa’iid uu maanta ku qabtay Magaalada Karlsruhe ee Wadanka Jarmalka ayaa daboolka kaga qaaday arrimo maalmahan laysla dhexmarayey oo ku saabsanaa Xaaladaha guur ee degmadda Baladxaawo.

Mudane Xasan Gaaruun oo arrimahasi si kulul uga hadlay ayaa daboolka ka qaaday in hadalka soo yeeray Maamulka Degmadda Baladxaawo ee Gobolka uusan ahayn mid sal iyo raad lahayn isla markaasna ay qorshe ay dhaqaale kaga doonayaan Hayaddo kala duwan,waxaana uu sheegay in Masuuliyiint arrimahaasi ka hadlay ay meel uga dhaceen guud ahaan shacabka iyo Haweenka Gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa uu daboolka ka qaaday in hadal dhawaan ka soo yeeray Gudoomiyaha Degmadda Maxamuud Xayd Cismaan oo ahaa in Degmadda Baladxaawo ay ku dhasheen in ka badan 150 ilmood uu wacalo ku tilmaamay aysan ahayn wax jira isla markaasna ay dhaqaale kaga raadsanayaan Hayadaha arrimaha Haweenka Qaabilka .

Mudane Xasan Gaaruun Diiriye waxa uu daboolka ka qaaday inuu Xiriir la samayeey degmadda Baladxaawo isla markaasna arrimahaasi yihiin kuwo been abuur oo aan laga fekerin balse dhaqaale doon iyo hunguri ka waynaaday ka yeersiyey gudoomiyaha degmadda Baladxaawo.

Sidoo kale Mudane Gaaruun waxaa uu shaaciyey in arrintaasi ay tahay mid meel ku dhac ku ah guud ahaan dumarka Soomaaliyeed,waxaana uu sheegay inaan Soomaaliya oo dhan laga heli karin 150 Ilmood oo wacalnimo ku dhashay sanad gudihiis.

Waxaana Hadaladiisa ka mid ahaa ” Caqliga shaqsi Muwaadin Soomaaliyeed ah isla markaasna Caafimaad qaba kuma hadli karro waxa uu ku hadlay Masuulka Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq sheeganaya, Waxaasina waa dhaqaale doon, Wadan Muslim iska dhaafe ma jiro Wadanadda Deriskeena ah Misana Gaaladda ah inay sanad gudihiis ku dhashaan 150 Wacan”
Waxaana uu sii raaciyey ” Waa Ayaan darro inaad dhaqaale ku raadisaan wax aan caqliga dad muslim ah galayn isla markaasna aysan Soomaalidu idinka rumeysaneyn,Waxaadna meel uga dhacdeen sharaftii iyo karaamadii hablaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan”

Ugu dambeyntii waxa uu Mudane Gaaruun sheegay in haddi arrintaasi run tahay ay warbaahinta u soo bandhigaan 10 ruux oo ka mid ah wacaladda Gudoomiyuhu shaaciyey,waxaana uu ugu baaqay inay Maamulka Degmadda Baladxaawo raali gelin ka bixiyaan been abuurka ay ku raadsanayan dhaqaalaha isla markaasna meel uga dhaceen shacabkii iyo dumarkii Soomaaliyeed.

Dalmar Adan Muuse
Karlsruhe, Germany