XOG CUSUB:- Laaluushka musharaxiinta iyo baahida xildhibaannada cusub

0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo joogta ah oo u dhexeeya Musharaxiinta Kursi doonka ah iyo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somalia kuwaa oo ka socda Hoteelada ugu caansan magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta Madaxtinima doonka ah ayaa mid waliba xusul duub ugu jira Kasbashada Xildhibaanada Cusub waxa ayna taa sababtay in Musharax waliba uu damco Xildhibaanada u xiran Musharaxiinta kale.

Musharaxiinta oo kala dhaqaale badan ayaa mid waliba adeegsanaaya Dhaqaale iyo ballamo ku xiran guushiisa, taa oo damac gaara ku abuurtay Xildhibaanada Cusub oo aan wali qaadan wax mushaar ah.

Musharaxiinta qaar ayaa Xildhibaanada ku il duufsanaya bixin dhaqaale xoogan si aysan uga tagin, halka qaarna ay xili hore bilaabeen inay bixiyaan dhaqaalaha uu ku iibsanaayo codka.

Xildhibaanada qarkood ayaa la dejiyey hoteelo ay lacagta ay ku degan yihiin bil walba ay bixinayaan musharaxiin, taasi oo ah qeyb ka mid ah sababta musharaxiin badan u doonayaan in deg deg loo qabto doorashada, si qarashka ku socda uu u yaraado.

Xildhibaanada Cusub oo dhaqaalahooda ku bixiyay Ergooyinkii soo doortay ayaa iyaguna iminka ku hanweyn inay dib u hantiyaan dhaqaalaha ka baxay, waxa ayna taa shaki galisay Musharaxiinta oo mid waliba ka feejigan in dhaqaale uu ku bixiyo Xildhibaan aan u codeyn doonin.

Xildhibaanada ayaa iyagu doonaaya in Musharax waliba ay ka qaataan dhaqaale gaara, isla markaana xiliga Codeynta ay Codkooda siiyaan Musharaxa uu taageeraha u yahay waxa ayna taa meesha ka saareysaa in Xildhibaan waliba uu helo Lacagtii uu ku baadi­ beeli lahaa.

Sidoo kale, Musharaxiinta ayaa iyaguna wada iibsashada Codadka, balse waxa ay codadka ku iibsanayaan mid gacansaar ah, si aanu u dhicin in Xildhibaankii uu iibsaday uu codka siiyo Musharaxa kale.

Si kastaba ha ahaatee, tani waxa ay mugdi galineysaa in Musharax waliba uu ku fududaado iibsashada codadka Xildhibaanada.